Somali News Top News

DEG DEG: Madaxweynayaasha Turkiga iyo soomaliya oo Goordhaw Xariga ka jaray Safaaradda Cusub ee Turkiga uu ka dhistay Soomaliya

Madaxweynaha Soomaliya iyo Madaxweynaha Dalka Turkiga oo Goordhaw si Rasmi ah Xariga uga Jaray Xarunta safaaradda Cusub ee Turkiga uu ka dhistay Dalka Soomaliya.

Ka hor Inta aan Xariga laga jarin Safaaradda Turkiga Madaxweynaha Turkiga ayaa Salaadda Jimcadda kula tukatay Safaaradda Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada oo halkaa ku sugan iyo Waliba Gudoonka Baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweyne Erdogan ayaa Xariga ka jaray  Safaaradda Turkiga uu ka dhistay Magalada Muqdisho oo ah Safaaradda ugu Casrisan Safaaradaha ku yaalla Qaaradda Afrika.

Hada Waxaa kulan uu ka socdaa Xarunta Safaaradda Kulankaasi oo u dhaxeeya Madaxweynaha Turkiga iyo Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo Maalmahan Muqdisho ku sugnaay.

 

Related posts

Xubnaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Oo Maanta ka Doodaya Arrinta DP World

Sakariye Sakariye

Sawirro: Wasiir Axmad cawad oo Khartuum kula kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan wax ka barata

admin

Ra’iisul wasaraha soomaaliya Xasan cali kheyre ayaa la filayaa in uu sodaalo ku gaaro qaar ka mid ah gobolada dalka

Sakariye Sakariye