Animation

DEG DEG: Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo Guddi Isku dhaf ah u Magacaabay Nabada Galkacyo Kadib Kulanka Manta ka dhacay Magaalada…..

2 responses
Sunday November 13, 2016 - 1:36 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Galkacyo Maanta waxaa Markale ka dhacay Kulan dhexmaray Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Kulanka oo ahaa mid labada madaxweyne u dhaxeeyay waxaa Goobjoog ka ahaa raisal wasaaraha somalia cumar cabdi Rashiid.

Madaxweynayaasha Labada Maamul waxa ay soo Gudbiyeen Guddi ka shaqeyndoona Dhameystirida Heshiiskii Shalay Puntland iyo Galmudug ay ku Gaareen Gaalkacyo.

Guddiga Labada Madaxweyne ay soo Magacaabeen ayaa ka Kooban 18 Xubnood,waxaana Maamul walba uu soo Magacaabay mid Sagaal Xubnood.

Xubnaha ay soo Gudbiyeen Labada madaxweyne waxaa ku jira Odayaasha dhaqanka Waxgaradka Saraakiisha Labada Maamul iyo Maamulada Galkacyo ee Labada dhinac kala xiga.

Guddiga ayaa ka shaqeyn doona dhameystirka Heshiiska lagu xalinayo Colaadda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo Shalay Labada Madaxweyne ay ku gaareen Magaalada Gaalkacyo.