Animation

Deg-deg: Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo maanta ku wajahan Magaalada Garoowe Iyo Qaban-qaabada soo dhaweyntiisa oo halkaasi ka socota.

no responses
Sunday November 29, 2015 - 7:47 under Somali News by admin
mqdefault

war iminka soo gaaraya Warsidaha kismaayo24 ayaa sheegaya in Safar aan caadi ahayn uu maanta Puntland ku tagaayo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ‘’Axmed Madoobe’’.
Kismaayo24.com oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa ogaatay in Madaxweynaha Jubbaland uu door ka qaadan doono sidii loo baajin lahaa dhibaato ka dhexdhacda Ummadda Soomaaliyeed.

Qabanqaabada soo dhoweynta Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka socota magaalada Garowe ee Caasimada Gobolka Nugaal.

Maamulada Puntland Iyo Jubaland Ayaa Leh wada Shaqeyn dhaw iyagoo inta badan Isku mowqif ka ah Hanaanka siyaasadeed ee maanta ka jira Soomaaliya.

Wixii kaso kordha Safarka Madaxweynaha Jubbaland kala soco Kismaayo24 insha Allah.