Animation

DEG DEG: Madaxweynaha Hirshabeele oo Xilkii ka qaaday Yuusuf Daba geed Guddoomiye Cusubna u Magacaabay Hiraan+Magaciisa

no responses
Wednesday October 26, 2016 - 6:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, “Yuusuf-dabageed” kadib wareegta ka soo baxday xafiiskiisa.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in uu xilkii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar, isla markaana uu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Jeyte Cismaan.

Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kula dar daarmay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, in uu si hufan u guto waajibaadka loo idmaday, waxaana uu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan.