Animation

DEG DEG: Madaxtooyada Soomaliya oo looga Adkaaday Doorashada Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Warsangali Yaase ku Guulestay????

one response
Friday November 18, 2016 - 11:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada Aqalka Hoose oo Maanta Jowhar ka bilaabatay ayaa Waxaa lagu tartamaayay Kursigii Ugu Adkaay Doorashada Kaasi oo ahaa Kursiga Beesha Warsangale Abgaal waxaana kursigaas ku tartmayay C/Qaadir Cosoble iyo Muxudiin Jurus.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa goor dhow ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose, kaddib doorasho adag oo uu la galay Musharaxa kale ee Muxudiin Jurus Lagu Magaacbo kaasi oo Horay usoo Noqday Guddoomiyaha Dagmada Yaaqshiid.

C/Qaadir Cosoble ayaa Helay Codad gaaraya 39 Cod Halka Jurus uu helay Codad aad u yar oo gaaraya 17 Cod waxaana sidaasi kusoo baxay Xildhibaan C/Qaadir Cosoble oo Kursiga Beesh Warsangali ku guuleestay.

Guusha Cosoble waxa ay Dhabar Jab xoogan ku tahay Madaxtooyada Soomaliya oo u Hanqal  taageysay in ay Hesho Kursigaan Waxaana Madaxtooyada ay Dhaqaalo ku bixisay in Muxudiin Jurus uu kursigaan ku guuleysto.