Animation

DEG DEG: Madaxtooyada Galmudug oo War Culus ka soo saartay Wararka sheegaya in la Weeraray Hooyga Madaxweynaha Galmudug

no responses
Saturday November 19, 2016 - 8:52 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

War Goordhaw ka soo Baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu Faah faahiyay Warar Been abuur ah oo lagu Baahiyay Qaar kamid ah Website-yada iyo Baraha Bulshada Warkaasi oo sheegayay in Xalay Weerar lagu qaaday Hotel uu Magaalada Galkacyo ka daganyahay Madaxweynaha Galmudug Mudane C/Kariim Guulled.

Afhayeenka Madaxweynaha Galmudug C/llaahi Xaashi Faarax oo La hadlay Warbaahinta ayaa Been abuur ku tilmaamay Wararka lagu baahiyay Baraha Bulshada oo sheegayay in Kooxo Hubeysan ay Xalay Weerar ku qaadeen Hotelka Five Star ee Magaalada Galkacyo Halkaasi uu Daganyahay Madaxweynaha Galmudug.

Afhayeenka wuxuu xusay in Warkaasi aanu waxba ka jirin Isagoona ku goodiyay in Daba gal lagu Sameyn doono Cida Faafisay Warkaasi been Abuurka ah ee Laga Faafiyay Madaxweynaha Galmudug iyo Amnigiisa.

C/llahi Xaashi Faarx wuxuu Intaasi ku daray in Dadka  Wararkaasi Baahiyay ay ka soo Horjeedaan Heshiiska Nabada ee Galkacyo.