Animation

DEG DEG: Madaxii amniyaadka alshabaab ee magaalada muqdisho oo goordhaw lagu qabtay…..

no responses
Monday June 19, 2017 - 2:11 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda soomalia ayaa ku dhawaaqday in gacanta lagu dhigay madaxii amniyaadka alshabaab ee magaalada muqdisho.

Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen ciidamada xasilinta caasimadda ayaa waxa ay kusoo qabteen horjoogihii alshabaab u qaabilsanaay muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen madaxii amniyaadka alshabaab.

Hogaamiyaha alshabaab ee gacanta lagu dhigay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/waaxid Khaliif Axmed (Ciise Tarbuun) .

Sargaalkaan waxaa la sheegay in lagu qabtay gudaha suuqa bakaaraha mana jirto faah faahin intaas ka badan oo laga helay qabashada horjoogahaan shabaabka ka tirsan.