Animation

Deg-deg: Maamulka Degmada Baardheere oo ku Amray mid kamid ah culumada Degmada Inuu 24 saac gudahood uga baxo Magaalada.

no responses
Wednesday November 25, 2015 - 7:43 under Somali News by admin
mqdefault

Maamulka Degmada baardheere ee Gobolka Gedo Ayaa war uu soo saaray ku Amray in mid kamid ah culumaa’udiimka Degmada uu isaga baxo Magaalada Muddo 24 saac gudahood ah.

Wadaadka oo lagu magacaabo Sheekh cabdulcasiis aadan urur Ayaa Maamulka waxa uu sheegay Inuu u hogaansami waayay awaamiir ay soo saareen oo ku aadaneyd nidaamka dacwada ee Degmada.

Qodobada ay sheegeen Inuu wadaadka kahoryimid Ayaa waxaa kamid ah Inuu diiday Inuu bisinka kor u akhriyo, Inuu diiday Inuu qunuudo salaada subax dabadeed, inuu duceeyo salaadaha dabadood.

Laakiin sheekha oo la hadlay Waxqabadka k24 ee Muqdisho Ayaa dhiniciisa sheegay in Qaar kamid ah uu u hogaansamay awaamiirta Maamulka Laakiin uu iska diiday qodobo uu sheegay Inuu aaminsanyahay ineysan waafaqsaneyn shareecada islaamka.

Ugu danbeyn sheekha Ayaa sheegay Inuu ka warsugaayo dadaalo ay wadaan odayaasha dhaqanka ee Degmada oo sida uu sheegay waan waan ka dhexwado isaga Iyo Maamulka Degmada, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in xiisadaan ay soo dhamaan doonto waqtiyada soo aadan.