Animation

DEG DEG: Maamulka ahlu-sunna oo dhuusa-mareeb ku xirtay Xaaskii uu ka dhintay Guddoomiyihii Guud Ee Ahlusunna Shiikh Maxamad Xeyfoow

no responses
Thursday June 1, 2017 - 10:22 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu hada ka heleyno magaalada dhuusa-mareeb ayaa waxa ay sheegayan in ciidamada maamulka ahlu-sunna ay xabsiga u taxaabeen mid kamid ah xildhibaanada maamulka gobollada dhexe isku magacaabay ee ahlu-sunna ay dhisatay.

Ciidamada ayaa xabsiga dhigay xildhibaan lagu magacaabo cibaado Yuusuf Maxamed oo ka mida Golaha Wakiilada Maamulka Isku Magacaabay Gobolada Dhexe.

Warar hoose oo aan ka heleyno xariga xildhibaanad cibaado ayaa waxa ay sheegayan in ay isku dhaceen saraakiil maamulka ahlu-sunna ka tirsan sidaasna xabsiga loogu tixaabay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka isku magacaabay gobollada dhexe ee ahlu-sunna kaasi oo ku aadan xildhibaanada lagu xiray dhuusa-mareeb.

Xildhibaan  Cibaado Yuusuf Maxamed ayaa ah Xaaskii uu ka dhintay Guddoomiyihii Guud Ee Ahlusunna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeyfoow.