Animation

DEG DEG: Kursiga Ugu Horeeyo Aqalka Sare Hirshabeele oo la Doortay Yaase ku Guuleystay???

no responses
Wednesday November 9, 2016 - 10:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Jowhar Maanta waxaa si Rasmi ah uga Bilowday Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Maamulka Hirshabeele waxaana saakay soo xaadiray Musharrixiinta u tartameysa Aqalka sare.

Xildhibaanada Hirshabeele ayaa Bilaabay in ay u Codeeyaan Kursiga koowaad ee Aqalka Sare Hirshabeele oo ay ku Tartamayeen Laba Musharax.

Xildhibaanada Hirshabeelle ee codeynaya ayaa gaaraya 98 xildhibaan, waxaana ay Mid mid ugu codeynaya Musharrxiinta.

Codeynta marka ay dhamaatay ayaa waxaa Bilaabatay Tirinta Codadka ay kala heleen Labadii Musharax ee u Tartameysa Kursiga Koowaad ee Aqalka sare waxayna kala ahaayeen Cusmaan Axmed Macow oo Helay Codad gaaraya 73 cod halka Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Cabdinuur Ibraahim Farey uu helay 24 cod sidaasna waxaa Kursiga Koowaaad ugu Guuleystay Cusmaan Axmad Macoow.

Cusmaan Axmed Macow Waxa uu Noqday Xubintii ugu horeeyay ee Aqalka sare u matalaya Maamulka Hirshabeelle,

Dooarshada weli wey socotaa waxaana Hada loo Tartamaya Kursiga Labaad ee Aqalka sare Hirshabeele.