Animation

DEG DEG:- Kulan Xasaasi ah oo Cadaado uga furmay beesha Sade iyo Madaxweyne Galmudug+ sawiro

no responses
Wednesday October 5, 2016 - 10:55 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Holalka Shirarka Madaxtoyada Galmudug waxaa hada ka socda Kulan Xasaasi ah oo dhexmaraya  dhaqanka Beesha Sade iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xusein Gulled.

Shirkaan oo ah mid Xasaasi ah ayaa waxaa loga wada hadlaya  arimo ay ka mid yihiin.

1-Xubnaha Aqalka sare ee ay Beeshu helayso

2-fulinta  Heshiis Magaalada Muqdisho ay ku wada gareen Ugaas Takooy iyo Abdikariim Xusein Gulled.

3-Kordhinta Xubnaha beesha Sade ay ku leeyihiin Barlamanka Galmudug.

Ugas Takooy oo la hadlaya Madaxda Galmudug

Ugas Takooy oo la hadlaya Madaxda Galmudug

Suldan Garbacune oo la hadlay Madaxda Galmudug

Suldan Garbacune oo la hadlay Madaxda Galmudug

Shirkaan oo wali socda ayaa waxaa ka hadlay Ugaas  Takooy, Nabadoonka  beesha Wargardhac Xasan Yare iyo Suldanka Beesha Celi Suldan  Axmed Garbacune.

Marka la soo kobo hadalada  Xubnahan beesha Sade u hadlay   ayaa waxay ka dalbadeen Madaxweynaha  Galmudug   in Aqalka Sare ay beeshu Aqbali doonin wax ka yar 2 Xubnood sido kale  waxay codsade in beesha Sade 6 xubnood logu daro  Barlamak Galmudug State.

Nabadoon Xasan Yare oo Madaxda Galmudug la hadlaya..

Nabadoon Xasan Yare oo Madaxda Galmudug la hadlaya..

Sadexdaan Oday ayaa waxaa shirka ka dhex sheegeen in ay gabi ahaan shirka ka baxayaan isla markana aysan ka qayb qadan doonin doorashada hadan la fulin codsigoodaas.

Shirka wali waa socda  waxaana Fadhiya dhanka galmudug   Madaxweyne Cabdikariim Gulled, Madaxweyne kuxigeen  Maxamed Xashi Cabdi iyo Gudomiyaha Barlamanka Galmudug  Cali Casayr.

Kulankaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi waxana  maalmihii ugu danbeyay u ku mashquulsana sidi lo soo afjari lahaa kala aragti duwanaasho u dhexeyay dhaqanka beesha iyo Madaxweynaha galmudug.

wixi ku soo kordha iyo sawiro dheeri ah  kale soco Kismaayo24.com

 

 

 

 

Facebook Comments