Breaking News Somali News Top News

DEG DEG: Ku dhawaad 96 Xildhibaan oo saxiixay Mooshinka madaxweynaha laga diyaariyay

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya ayaa wuxuu sheegay Xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Shacabka inay saxiixeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Somaliya.

Wareysi uu siiyay Wakaalada Wararka Reuters Xildhibaan Mahad Salaad aya wuxuu ku tilmaamay mooshinka inuu sii xoogaystay, kadib markii la xiray Siyaasi C/raxman C/Shakuur oo Xildhibaano badan ay ka caroodeen.

Mahad Salaad ayaa wuxuu tilmaamay 96 Xildhibaan inay saxiixeen Mooshinkaasi, walina ay jiraan Xildhibaano kale oo doonaya ku biirista Mooshinka.

Gudoonka Baarlamanka Somaliya ayuu sheegay inay u qoreen warqad ay ku dalbanayaan in dib loo furo kalfadhiyada Baarlamaanka Somaliya si isla xisaabtanka madaxda dowladda ay u dhacdo.

Khamiistii hore ayey aheyd markii Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya uu shaaciyay inuu dib uga laabtay Mooshinkii uu saxiixay, kadib, markii uu eegay danta Qaranka Somaliya.

Related posts

Top News: Puntland "Maamulka gobaladda dhaxe laga dhisayo waxaa uu noqon doonaa mid KMG ah, Inaga iyo Dowladda Dhaxe Ayaa Ku Heshiiney".

admin

TOP NEWS: Dhageyso Odayaasha Dhaqanka Galmudug oo Itoobiya Fariin Culus u diray

admin

(SAWIRRO) R/wasaare Kuxigeenka Soomaaliya oo la Kulmay Ra’iisul Wasaaraha India

Sakariye Sakariye