Animation

DEG DEG: Kooxo hubeysan oo Risaas ku furay Gaari ay saarnaayeen Dad Shacab ahaa..

no responses
Sunday September 25, 2016 - 11:19 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka laga helayo Isbitaalka dhexe ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in maanta la dhigay dhaawaca Labo qof oo isugu jira darawal iyo qof shacab ah.

Dadkani ayaa ku soo dhaawacmay rasaas lagu furay gaarigii ay saarnaayeen iyagoo socday inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir.

Maamulka isbitaalka dhexe ee Jowhar ayaa weli wax faahfaahin ka bixin dhaawacyada dadkaasi loo geystay.

Labada qof ee dhaawaca ah ayaa mid wuxuu ahaa darawalkii baabuurka wadayay halka midka kalena uu ahaa shacab oo maleeshiyada hubeysan ay rasaasta ku furtay.

Saraakiisha ciidanka dowladda federaalka oo ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan sida dhacdada ay u dhacday iyo waxa keenay.

Baabuurkani rasaasta lagu furay ayaa ka shaqeynayay degaannada gobolka Shabeellaha Dhexe inkastoo markii la rasaaseynayay uu darawalka wehlinayay hal qof oo kaliya oo isna dhaawac ah.