Animation

DEG DEG: Kooxo Hubeysan oo Rasaas ku furay Gaari uu la socday Xeer ilaaliye ku Xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida

no responses
Monday September 26, 2016 - 8:09 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu hada ka heleyno Dagmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayan in Kooxo Hubeysan oo watay Baabuur Nooca Raaxada ah ay Rasaas ku Fureen Gaari uu la socday xeerilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalab sida C/laahi Xuseen.

Gaariga ayaa waxa uu Maraayay Meel aan sidaasi uga Fogeyn Saldhiga Dagmada Wardhigleey waxaana Gaariga uu la socday Xeer ilaaliye ku Xigeenka lagu Furay Rasaas xoogan .

Rasaasta lagu Furay Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda Ciidanka Qalabka sida waxaa ku geeriyooday Mid ka mid ah Ciidamdii Ilaalada Xeer ilaaliye ku xigeenka.

Waxaa dhaawac uu ka soo gaaray weerarkaasi Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka qalabka sida C/laahi Xuseen iyadoona dhaawaciisa loola cararay Cisbitaal.

Kooxda Hubeysan oo rasaasta ku furtay Xeer ilaaliye ku Xigeenka ayaa Durbadiiba Goobta ka Baxsaday waxaana ay wateen Baabuur Nooca Raaxada ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska iyo nabad Sugida Soomaliya ayaa Goobta soo gaaray.

Lama Oga Kooxda Rasaasta ku furtay Ciidanka Dowlada iaydoona ay Baxsadeen Marka ay Dilka geysteen.