Animation

DEG DEG: Kooxo Hubeysan oo Nabad-doon Caan ah ku dhaawacday Bartamaha Magaalada….

no responses
Wednesday January 25, 2017 - 7:13 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay sheegayan Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Kooxo Hubeysan ayaa Cawada Halkaasi dhaawac ugu geestay Nabad doon Caan ka ah Deegaanada Puntland.

Koox Bastoolad ku hubeysan ayaa dhaawac u geestay Nabad doon Muuse Xaaji Faarax oo ka mid ah Waxgaradka Puntland ugu Caansan.

Dhaawaca Nabadoonka ayaa lagu dabiibaya Isbitaalka Weyn ee Magaalada Boosaaso waxaana la sheegay Dableydii weerarka geestay in ay goobta ka baxsadeen.

Weerarka lagu dhaawacay Nabad-doonka waxaa uu ka dhacay Meel u dhaw Hotel lagu Magacaabo Yaasmiin oo ku yaala Magaalada Boosaaso.