Animation

DEG DEG: Kooxo Hubeysan oo Goordhaw Magaalada Muqdisho ku Nabad-doon Caan ah oo Lagu Magacaabo……

no responses
Thursday October 20, 2016 - 4:51 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka Ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa Waxa ay sheegayan in Goordhaw Kooxo Hubeysan ay Dil u geesteen Nabad-doon Caan ah oo si weyn loo garanaayo.

Kooxo Bastoolado wato ayaa Rasaas la dhacay Allaha ha u Naxariistee Nabad-doon Muxumad Tarabi Shiikhow Iyadoona Dilkaasi uu ka dhacay Dagmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Lama Oga Kooxda ka Dambeysay Dilka Nabad-doonka waxaana Dagmada Yaaqshiid Horay loogu dilay Nabad-doon Caan ah .

Warar Hoose oo aan heleyno ayaa waxa ay Tibaaxayan in Nabad-doonka la dilay uu kamid ahaa Odayaasha soo xulaaya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya.

Maamulka Dagmada Yaaqshiid weli kama aysan Hadlin dilka loo geestay Nabad-doon Muxumad Tarabi Shiikhow.