Animation

DEG DEG: Kooxo bastoolado ku hubeysan oo goordhaw dagmada waabari ku dishay ugaaska beesha……

no responses
Wednesday May 10, 2017 - 8:28 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka hada inaga soo gaaraya dagmada waabari ee gobolka banaadir ayaa waxa ay sheegayan in goordhaw gudaha dagmadaasi lagu dilay ugaaska beesha shiikhaal gendershe.

Dableey bastoolado ku hubeysan ayaa geestay dilka allaha ha u naxariistee ugaaska beesha shiikhaal gendershe ugaas cabdulqaadir fareey.

Dilka wuxuu ka dhacay halka loo yaqaan buundo labaad oo ku taala dagmada waabari ee gobolka banaadir.

Kooxdii dilka ugaaska geesatay ayaa goobta ka baxsatay sida ay inoo xaqiijiyeen goob joogayaal.