DEG DEG: Kenya Oo ciidamadeeda kalabaxday meela kamid ah maamulka jubaland….

0

Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ku kulmeen saraakiishii ugu badneyd ee ciidamada amaanka maamulka Jubbaland.

Kulanka saraakiisha ayaa ka dambeeyay maalmo uun kadib markii ciidamada Kenya ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen gobolka Gedo, waxaana ugu horeeyay saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.

Qaar kamid ah saraakiisha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Kenya aysan ku wargelin bixitaanka ciidamadooda ee saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun, balse ay ka warheleen kaliya markii ay alaabtooda xirxirteen.

Saraakiisha ayaa xusay in shir gaar ah oo arintaasi looga hadlayo inay ku yeesheen magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dajiyay qorshaha ciidamada Kenya saldhigyada ay baneeyeen loo buuxin lahaa.

Saraakiisha waxaa kale oo ay sheegeen inay diyaarinayaan ciidamadii la wareegi lahaa saldhigyada ciidamada Kenya ay baneeyeen, gaar ahaan saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.

Saacado kadib markii ciidamada Kenya isaga baxeen Faxfaxdhuun Al Shabaab ayaa sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta saldhiga, islamarkaana ay ka sameeyeen baaritaano badan.

Jubbaland ayaa wajaheysa culeesyo dhanka amaanka ah haddii ciidamada Kenya ay baneeyaan saldhigyada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka.