Breaking News Somali News

DEG DEG: Kala Carar Ka Dhacay Albaabka Villa Soomaaliya, kadib markii Lagu Arkay…

Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in dadkii halkaasi ka dhowaa ay kala carareen kadib markii la arkay gaari laga shakiyey.

Gaari nooca loo yaqaano Kaarib ayaa lagu arkay albabka hore ee Villa Soomaaliya, gaar ahaan Albaabka xiga wadada Makka Al-mukarrama.

Wararku waxay sheegayaan in Gaarigan darwalkii wadey aan la ogeyn meesha uu aadey, waxaana loo maleynayaa iney saaran yihiin Walxaha qaraxa.

Wadadii waa la xiray, shacabkii iyo ciidankii meesha joogayna waa ay ka fogaadeen gaarigaasi.

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyay

admin

Dhagayso:- Cumar Cabdi-rashiid Cali Sharmaarke oo Maanta Muqdiso Gaaray

admin

Dhagayso:- Maamulka Gal-Mudug oo War Culus sheegay Kadib la Wareegitaankii Maleeshiyo Beleed

Tifaftiraha K24