Breaking News Somali News Top News

DEG DEG: Jubbaland oo ku guuleysatay koobkii loo qabtay dhamaan maamul goboleed-yada dalka

Xulka kubadda cagta ee Jubbaland ayaa ku guuleystay Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada, kaddib markii ay ciyaartii Finalka 1-0 uga badisay xulka Puntland oo tartankan ku guuleystay sanadkii hore.

Jubbaland ayaa ka aarsatay Puntland oo sanadkii hore ka qaaday, waxaana maanta ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan oo kubad wanaag ka muuqatay.

Ciyaar aad u qurux badan ayey maanta soo bandhigeen wiilasha xulka jubbaland taasi oo ay u riyaaqeen taageerayaashii garoonka joogay.

Jubbaland ayaa goolka dhalisay daqiiqadii 74aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana markii garsooraha uu ku dhawaaqay seeriga inay dhamaatay ciyaarta ayaa waxaa ciyaartoyda iyo taageerayaashooda ay bilaabeen dabaal deg iyo damaashaad.

Related posts

Dowladda norway oo ku dhawaaqday war farxad leh oo ku saabsan baasaboorka soomalia

Tifaftiraha K24

Dalka Soomaliya oo laga Reebay Arin Muhiim ah oo ay sameysteen Ururka Bariga Africa maxey tahay waxa ay sameysteen ?

admin

KASHIFAAD: DFS oo si dadban u bad-baadisay qaar ka mid ahaa ragii weeraray Hotel Maka Al-mukarama

admin