Animation

DEG DEG: Jubbaland oo Dhameystirtay Xildhibaankii Ugu Dambeeyay Aqalka Hoose iyo Q.M oo ka hadashay

no responses
Thursday November 24, 2016 - 11:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Noqoday Maamulkii Ugu Horeeyay ee Soo gaba gabeeyay Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya.

Magaalada Kismaayo ayaa Maanta lagu soo gaba gabeeyay Kursigii ugu Dambeyn ee Doorashada kaasi oo ah kii 43-aad waxaana Kursigaas kusoo baxay Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen.

Jubbaland Baarlamaanka waxa ay ku leedahay 43 Xildhibaan Guud ahaan Xildhibaanada Waala soo doortay Sidaasi waxa ay Jubbaland ku dhameystirtay Doorashooyinka Aqalka Hoose Iyadoona horay u qabatay Kii Aqalka Sare.

Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michel Kittin ayaa ka qeyb galay gaba gabada Doorashada Aqalka Hoose ee Maamul Goboleedka Jubbaland ka socotay.

Qaramada Midoobay ayaa Jubbaland ku Amaantay Hanaanka ay u martay Doorashooyinka Aqalka Hoose iyo sida Guusha leh ee ay kusoo gaba gabeysay.

Goordhaw waxaan Idin soo Gudbin doona Dhamaan Xildhibaanada la doortay ee 43 ah iyo Qabiilada ay ka soo jeedaan Insha allah