DEG DEG: Jawaari oo Aqbalay Mooshinkii laga keenay Balse shardi ku xiray in 10Cisho gudaheed ay….

0

Guddoomiyaha baarlamaanka ee mooshinka uu ku yaalo Prof Maxamad Shiikh cusmaan jawaari oo goordhaw warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa aqbalay soo jeedinta xildhibaanada baarlamanaka ee kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha baarlamaanka.

Guddoomiye jawaari ayaa ka dalbaday xildhibaanada baarlamaanka in muddo ku siman 10 cisho gudaheed cod loogu qaado mooshinka si sharciga iyo xeer hoosaadka waafaqsan.

Jawaari wuxuu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in uu is casilaayo wuxuuna taa beddelkeeda sheegay in riyo ay tahay is casilaaddiisa.

“Cod ayaa ku imid oo aan xilka Guddoonka Baarlamaanka ku hayaa, haddii aan baxayana cod ayaa ku baxayaa”ayuu yiri Jawaari.

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa meesha ka saaraya waan waan socotay oo la doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed, waxaana muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya lagu kala bixi doono cod.