DEG-DEG: Isku Aadka Semi Final-ka Europa League Oo La Sameeyay & Final-kii Oo Lasoo Hormariyay.

0

Isku Aadka wareega afar dhamaadka koobka UEFA Europa League ayaa la sameeyay iyadoo ay u muuqato in Final-kii lasoo hormariyay oo ay isku aadeen labada kooxood ee loo saadaalinayo koobka.

Arsenal ayaa ku aaday Atletico Madrid iyadoo lugta hore ay ka dhici doonto garoonka Emirates Stadium, halka lugta labaad la isugu tagi doono garoonka Wanda Metrapolitano.

Dhanka kale kooxaha Marsielle iyo Salzburg ayaa isku aaday taasoo ka dhigan in Final-ka uu noqon doono mid aan sidaas loo buun-buunin doonin maadama labadii kooxood ee ugu waaweynaa tartanka ay isku beegmeen.