DEG DEG: Iska hor imaad Hadda ka socda gudaha Xerada Gen Gordan ee dhawaan Imaaraat-ka uu ka guuray

0

Wararka aan ka helaanyo xarunta tababarka ciidamada xoogga dalka ee Gen Gordan ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi uu ka socdo iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada Imaaraat-ka tababaray iyo ciidamo milatari ah.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay in uu salka ku haayo ka gadaal markii saraakiil ka tirsna xoogga dalka isku dayeen in xarunta ay kala baxaan gaadiid dagaal oo Imaaraat-ka uu xarunta uga tagay taasi oo ay ka dhiidhiyeen ciidamadii xarunta daganaay ee lagu tababaray.

Warar kaloo madax banaan ayaa iyagana sheegaya in ciidamada uu Imaaraat-ka tababaray ay isku dayeen in ay jabsasadaan bakhaar hubka lagu keydiyo oo xarunta ku dhex yaala balse loo diiday halkaana uu dagaalka ka bilowday.

Weli war cad oo iska hor imaadka ku saabsan kama soo bixin taliska xoogga dalka oo si rasmi ah ula wareegay gacan ku xeynta xerada gen gordan oo dowladdu u beddeshay kuliyad ciidan oo ciidamada xoogga dalka ay leeyihiin.