Animation

DEG DEG: Isgaarsiinta Magaalooyin ay ku jirto Kismaayo oo Hawada ay ka saareen Alshabaab kadib markii la sheegay in….

no responses
Saturday October 29, 2016 - 2:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay sheegayan Wararka ka Imaanaya Gobolada Jubbooyinka Dagaalyahanada Alshabaab ayaa la sheegay in ay Hawada ka Saareen Dhamaan Isgaarsiintii ka Howlgali jirtay Jubbooyinka.

Magaalooyin ay kamid tahay Ksmaayo ayaa Maanta laga dareemaya in Isgaarsinta ay hawada ka Maqantahay waxaana Arintaasi ka Hadlay Maamulka Jubbaland oo sheegay in Kooxda Alshabaab ay Hawada ka saareen Dhamaan Isgaarsiintii Jubboyinka ka howlgali jirtay.

Warar Hoose oo k24 ay heleyso ayaa waxa ay sheegayan in ay Jiraan Howlgalo ka dhan ah Deegaanada Shabaabka ka joogaan Jubbooyinka oo ay wadaan Ciidamada Huwanta ah ee Isgarabsanaya Shabaabkana ay doonayan in Xiriirka Isgaarsiineyd ay ka jaraan Xulafada Duulaanka ku ah Deegaanada Shabaabka ka maamulaan Jubbooyinka.

Dhinaca kale Wararkale oo ay heleyso kismaayo24 waxa ay sheegayan in ay jirto Duqeyn ay Fuliyeen Diyaarado aan Duuliye laheyn taasi oo lagu beegsaday Saraakiil sar sare oo ka tirsan Alshabaab sidaasina ay Shabaabka hawada uga saareen Isgaarsiinta Inkastoo Warkaas aan la hubn Jiritaankiisa.

Maamulka Jubbaland oo kaashanaya Ciidamada Amisom ayaa qorsheynaya in Howlgal Saf balaaran ay ku qaadaan Deegaanada iyo dagmooyinka ay Alshabaab ka maamulaan Gobolada Jubbooyinka.