DEG DEG: Imaaraat-ka carabta oo sheegay heshiiskii dekedda berbera in ay la galeen dowladdii xasan shiikh

0

Dowladda Imaaraat-ka Carabta ayaa Sheegtay in aysan Aqoonsaneyn Wax Soomaliland la dhaho maamulka halkaa ka jirana ay u aqoonsantahay in uu yahay maamul dowladda Soomalia hoostaga.

Wasiir-dawlaha arimaha debedda ee imaaraatka Dr.Anwar Qarqaash oo la hadlaayay BBC Arabic ayaa sheegey in ay taageersanyihiin Midnimada Soomaaliya oo aanay safaarad iyo qunsuliyad toona ku lahayn Somaliland .

Wasiiru dowlaha wuxuu sheegay in heshiiska dekedda ber bera ay la galeen dowladdii xasan shiikh balse aaneyn soomaliland oo kaliya heshiiskaa la galin taa oo meesha ka saareysa sheegashada maamulka soomaliland ee ah in ay u madax banaanyihiin maamulka dekedda ber bera.

“Arrinta dekedda Berbera waxay ku dhacday isfahan cad oo aan la yeelannay dawladihii hore ee Soomaaliya, waxayna ahaayeen kuwo cadcad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xiriirna lama lihin. Waxaan kaalin fududayn ah ku lahayn in aan kulamo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dhabi. Kaalinteennu waxay ku koobnayd fududayn. Is fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsannahay siyaasadda Soomaali mid ah inaysan anaga reebaynin dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aan Somaliland ka samayno”. ayuu yiri.

Anwar Maxamed Qarqaash wuxuu ugu baaqay dawladda Soomaaliya inay arrinka khilaafka ka gasho wadahadal furan oo aan lagu qaban “qol xiran”.

“Haddii qof ku kaalmaynayey 20 -25 sano ay wax idin dhex maraan waa in aad kala hadashaa. Ma aha in aad qabsato 47 askari oo iimaaraadka u dhashay oo ciidamada tababaraya, oo ku dhawaad 10 Malyan oo Doollar oo ah wixii ku baxayey ciidan badan oo Soomaali ah siday, oo go’aankaas inta aad qaadatay aad tiraahdo arrinta waxaan ku xallinaynaa qol xiran. Maya, maya, sidaasi hawsha kuma dhamaanayso. Waa in arrintu cadaataa” ayuu yiri wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Iimaaraadka Carabta.

Hadalka ka soo baxay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraat-ka waxaa uu dhabar jab iyo niyad jab xooggan ku yahay maamulka soomaliland oo dhowr jeer ku cel celiyay in dekedda berbera aan muqdisho laga maamulin heshiiska DP-world iyo soomaliland uu yahay mid madax banaan oo aaneyn dowladda soomalia shaqo ku laheyn.

Go’aankaan Imaaraat-ka ka soo baxay waxa uu yimid kadib cadaadis xooggan oo uga yimid dowladda soomalia ee ay hogaamiyaan madaxweyne farmaajo iyo Ra’isul wasaare kheyre waxaana muddooyinkaan dambe sii kordhayay xiisadda diblomaasiyaddeed ee labada dal u dhaxeysa taasi oo ka dhalatay heshiiska dekedda berbera ee saamiga laga siiyay dowladda Itoobiya iyo lacagtii tirada badneyd ee garoonka diyaaraddaha muqdisho lagu qabtay