Animation

DEG DEG: Ilaa 13 wasiir oo goordhaw ku dhawqaaqday in ay is casishay kadib markii ay sheegeen in madaxweynaha uu….

no responses
Sunday August 13, 2017 - 12:02 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aan hada ka heleyno magaalada jowhar ee xarunta maamulka hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayan in wasiiro ka tirsan maamulka hirshabeelle ay goordhaw is casileen.

Ilaa 13 wasiir oo maamulka hirshabeelle ka tirsan ayaa goordhaw ku dhawaaqay in ay iska casileen xilalkii ay maamulkaasi ka hayeen,

Wasiiro iyo wasiir ku xigeeno ayey isugu jiraan xubnaha maanta is casilay waxaana la dareemaya xaalad fajac ah kadib markii mar qura 13 wasiir ay is casileen.

Wasiiradaan oo waxyar ka hor shir jaraa’id ku qabtay hotel magaalada jowhar ku yaala ayaa waxa ay ku iclaamiyeen in ay iska casileen xilalkii loo magacaabay iyagoona is casilaadooda sabab uga dhigay wax qabad la’aan madaxweyne hirshabeelle ka socota xagiisa iyo in madaxweynuhu gabay howshii loo igmaday.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka hirshabeelle ayaa mooshin xil ka qaadis ah waxa ay ka keeneen madaxweyne cali c/llahi cosoble waxaana is casilaada wasiiradaan ay soo soo da dajineysa in cosoble uu xilkiisa waayo ama uu baarlamaanka iska xaliyo.