Animation

Deg-Deg: Howlgallo maanta ka socda duleedka magaalada Garbahaarey

no responses
Friday September 4, 2015 - 10:51 under Breaking News by admin
mqdefault

Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarey ayaa sheegaya in meel duleedkeeda ah uu ka soconayo howlgal ay sameynayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee gobalka Gedo ayaa sheegay in lagu guuleystay inta badan howlgalkii gobalkaasi ka socday.

Mid kamid ah saraakiisha oo ku sugan Garbahaarey wuxuu sheegay in howlgallada ay soconayaan isla markaana ay xaqiijiyeen amniga deegaanno badan.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga soo baxeen fariisimihii Tuulo Barwaaqo ee gobalka Gedo.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay in ciidanka ay saldhigyadaasi ka soo guuraan.

Kismaayo24

Xafiiska cusub ee magaalada Garbahaarey, Gedo