Animation

DEG DEG: Howlgal gaar ah oo lagu qaarijiyay hogaamiye katirsan Al shabaab…[MAGACIISA]

no responses
Friday September 16, 2016 - 6:47 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Howlgal qorsheeysan oo ay wadajir u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa lagu dilay Sarkaalkiil Al-shabaab ah Degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalkan oo habeenkii Arbacadii aheyd ka dhacay Degmada Aw-dheegle ayay Ciidanka Dowladda ugu suura gashay in weerar Qorsheysan ay ku dilaan Maxamed Xasan oo ahaa Madaxii Al Shabaab ugu qaabilsanaa Degmada Aw-dheegle, iyagoo sidoo kale soo furtay hub iyo sahnad ciidan oo ay lahaayeen Dagaalyahanada Shabaab.

Jeo Kibet oo ah Afhayeenka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay in Howlgalkaasi lagu dilay Sarkaalkii Al-shabaab ugu qaabilsanaa Degmada Aw-dheegle Maxamed Xasan.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa weli faah faahin dheeraad ah ka bixin Howlgalka ka dhacay Degmada Aw-dheegle iyo in khasaare dhankooda uu ka soo gaaray.

Al-shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Shabeelaha Hoose, iyagoo dhowr jeer oo hore halkaasi kula dagaalamay Ciiidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Facebook Comments