Animation

DEG DEG: Howlgal baraalan oo hada ka socda gudaha madaxtooyada villa soomalia iyo xubno shabaab la shaqeeynaayay oo la qabtay

no responses
Tuesday May 2, 2017 - 11:28 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka hada inaga soo gaaraya gudaha madaxtooyada villa soomalia ayaa waxa ay sheegayan in ciidamada ammaanka madaxtooyada ay howlgal balaaran ka wadaa qeybaha ay ka koobantahay madaxtootada villa soomalia.

Howlgalka waxaa lagu bartilmaameedsanaya xubno alshabaab ka tirsan oo ku sugan gudaha madaxtooyada soomalia kuwaasi oo kamid ah askarta iyo shaqaalaha madaxtooyada.

Ila wareedyo ku sugan madaxtooyada ayaa k24 u xaqiijiyay in howlgal uu si kadis ah ku bilowday ciidankana ay baaraya askarta looga shakisanyahay in xiriir wada shaqeyn ay la leeyihiin alshabaab.

Wararka hada soo dhacay ayaa waxa ay sheegayan in gacanta lagu dhigay ilaa seddex askari oo ka tirsan ciidanka dowladda kuwaasi oo la sheegay in ay la shaqeeyaan alshabaab xogahana ay u gudbiyaan.

Ciidanka la qabtay oo dareeska ciidanka ku labisan ayaa hada waxaa ku socda baaritaan xoogan waxaana saraakiisha madaxtooyada ay ka gaabsadeen in wax faah faahin ah ay ka bixiyaan howlgalka maanta laga sameeyay gudaha mdaxtooyada villa soomalia.

Waa howlgalkii ugu horeeyay uguna balaaraanaay oo laga gudaha madaxtooyada tan iyo markii uu kursiga ku fariistay madaxweyne maxamad c/llahi farmaajo lamana oga waxaay ka bedeli karto xubnaha laba kaarlayaasha ah ee la shaqeeya alshabaab dhankaanna dowladda uga jira.