Breaking News Somali News

DEG DEG: Hooyo Soomaliyeed oo Garoowe ku Nool oo si Arxan daro ah loo dhaawacay Kadib Markii Koox dumar ah ay….

Wararka aynu hadda ka heleyno xaafadda Wadajir ee magaalada Garoowe ayaa sheegaya in halkaa goordhoweyd si arxan-darro ah loogu dhaawacay hooyo Somaliyeed oo kamid ah dadka ka soojeeda koonfurta Somalia.

Haweeneyda ayaa dhaawaca loogeystay,iyadoo ku sugan gurigeeda oo ku yaalla inta u dhexaysa Suuqa Fadhi-Xun iyoMasjidka Al-Taqwa,kadib markii ay soo weerareen haween tiradooda lagu qiyaasay 8 ilaa 10,kuwaasi oo guriga u xirtay,dabadeedna si xun u garaacay,waxaana goor dambe ka soo gaaray qaar kamid ah dadka deriska ah,inkastoo aan lagu guulaysan in gacanta lagu dhigo dadkii weerarka soo qaaday,oo goobta ka baxsaday.

Hooyadaan Somaliyeed ee sida xun loo dhaawacay,ayaa hadda ku sugan xaalad Miyir dabool ah,waxaana jirkeeda lagu arkayaa dhaawac iyo sida ay sheegayaan dadkii goobta tegay.

Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaliya ayaa inta badan waxaa dhibaato xoogan loogu geestaa Deegaanada Puntland iyadoona Maamulka Puntland uu iska indho tiraayo wax ka qabashada tacadiyo ay la kulmaan Muwaadiniinta soomaliyeed ee ku sugan Dalkooda hooyo oo Cunsuriyadnimo lagula dhaqmo deegaanada Puntland.

Related posts

Muqdisho:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Sheegay Waqtiga uu furmayo Shirkii Muqdisho

Ahmed sudani

Thabit oo Todobaad kadib tagay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir Muxuuse kala kulmay?

admin

Dhagayso:- Puntland Oo Ka Hortimid Tirakoobkii ay sameysay Dowlada Somalia

admin