Animation

DEG DEG: Hoobiyaal lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde…

no responses
Thursday September 8, 2016 - 12:08 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

War degdeg ah oo hada soo dhacay ayaa sheegaya in Tiro Madaafiic ah ay ku dhaceen agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee aadan Cadde waxaana Madaafiicdaan oo la sheegay inay gaarayaan ilaa Labo Madfac ayaa waxaa la sheegayaa inay ku dhaceen dhismooyin u dhaw Dhabarka dambe ee Jaamacada Muqdisho qaybta ku taalo Agagaarka Garoonka.

Dad ku sugan Jaamacada Muqdisho oo aan ka fogeyn Garoonka ayaa inoo sheegay in Madfac oo ku habsaday guri ku dhaw Garoonka halkaasina uu ka dhashay qasaaro iyo dhaawac ah iyadoo qal qal xoogan laga dareemay Garoonka aadan Cadde iyo agagaarkiisa.

Maalintii Talaadada ayeey aheyd markii dhowr Madaafiic ah ay ku dhaceen Nawaaxiga Madaxtooyada Somaliya, gaar ahaan Agagaarka Iskuul 15-May oo dhabarka dambe ee Madaxtooyada ku yaalo.

Hoobiyaasha lagu tuuray Nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde, ayaanan la garaneyn rasmi ahaan halka laga soo tuuray, waxayna arintaan ku soo aadeysaa, iyadoo dhawaan Muqdisho lagu qaban rabo Shir Madaxeedka IGAD.