Animation

DEG DEG: Hoobiyaal ku socda Hoteel dayax iyo Goobo ganacsi oo gubanaya.

no responses
Wednesday January 25, 2017 - 7:29 under Breaking News by Kaafi
mqdefault

Iyadoo goor dhow Weerar Ismiidaamin iyo Mid toos ah lagu qaaday Hoteelka Dayax welina weerarka uu hoteelka gudihiisa uu ka soconayo ayaa waxaa dhinaca kale lamaqlayaa Hoobiyaal ku soo dhacay Nawaaxiga Hoteelka la weeraray ee Dayax.

Wariye ka tirsan Wakaalada Warqaad ayaa waxaa uu hadda soo sheegayaa in Tiro Madaafiic ay ku soo dhaceen agagaarka Hoteelka waxaana intaa sii raacda in Madaafiica ay qaar kood ku dhaceen goobo ganacsi oo Nawaaxiga Hoteelka ku yaala.

Inta la xaqiijiyay ilaa iminka Mid ka mid ah Hoobiyaasha waxaa uu ku dhacay Goob ganacsi oo ku dhow Hoteelka Dayax waxaana halkaa ka kacay Deb xoogan iyadoo khasaaro nafeedna ay jirto wallow ilaa hadda aan xaqiijin karin dhimashada iyo dhaawaca.