Somali News

DEG DEG: Hogaanka Sare ee Kooxda Ahlu Sunna oo safar dibadda ah uga baxay Dhuusamareeb

Hoggaamiyaha guud ee ururka Ahlu Sunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa goor dhow ka duulay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, isaga oo u ambabaxay dhanka magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Shiikha uu Garoowe uga sii gudbi doono magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo ka bilaabo doono.

Sidoo kale ka bixitaanka Dhuusamareeb ee Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa timid kadib markii uu xalay la kulmay madaxweynaha Galmudud Axmed Qoor Qoor, isagoona ka dalbaday inuu gaaro magaalada Garoowe xarunta gobolka Nugaal.

Arrintaan ayaa meesha ka saareysa dalabkii dowladda federaalka oo diyaarad u dirtay Dhuusamareeeb, si loogu soo gacan galiyo hogganka Ahlu Sunna loona keeno Muqdisho.

Galmudug ayaa u muuqata inay haatan gashay xaalad kale oo cusub, kadib markii laga adkaay Ahlu Sunna oo in muddo ah is hayeen hoggaanadii soo maray maamulkaasi.

 

Related posts

DEG DEG:- Firxadka Maleeshiyadka Al-Shabaab iyo Dadka Degamadda Qandala oo Dagaal Dhexmaray

Tifaftiraha K24

Muxuu kaga dhigan yahay shacabka gobolka Mudug socdaalka Madaxweynaha Soomaliya

Sakariye Sakariye

XOG: Arrin sii fogeyneysa Khilaafka Farmaajo & Axmed Madoobe oo Muqdisho ka socota

Mohamed Abdirashid Abaajo