Wararka ka imaanaya Deegaanka Kuuno Baroow ee Gobolka Shabelada Hoose ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamo is garabsanaya oo NISA iyo Ajaanib ah ay weerar ku qaadeen Saldhig ay ku sugnaayen Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo Sarkaal Muhiim ah uu ku jiray.
Hay’adda Nabada sugida qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa xaqiijisay in ay dishay madaxii qaybaha Jabhadaha iyo Amniyaadka ee Al-shabaab, kaasi oo markii hore la baxay Suheyb balse magaciisa dhabta ah uu yahay Daauud.
Howlgalkaan oo aha mid Qorsheysan ayey NISA sheegtay in ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada Kumaansoodka Soomaliya iyo Ciidamo Ajaanib ah oo ay ku sheegen in ay yihiin Saaxibadooda Caalamka waxaana NISA Xaqiijisay in lagu dilay Howlgalkaasi Madaxii qaybaha Jabhadaha iyo Amniyaadka ee Al-shabaab oo Magaciisa ay ku sheegtay Daa’uud Balse shabaabka looga yaqaanay Magaca Suheyb.
NISA ma aysan Sheegin waqtiga uu howlgalka dhacay iyo qasaaraha kale ee ka dhashay weerarka ay sida wada jir ah u qaadeen NISA iyo Ajaanib loo badinaayo in ay mareykan yihiin .
Ma jirto war ka soo baxay Shabaab oo Howlgalkaasi looga hadlay sidoo kale ma jirto Faah faahin dheeraad ah oo NISA ay soo saartay inkasto ay sheegtay in goordhaw saxaafada lala wadaagi doono howlgalkii ka dhaca Koonyo Baroow.
La soco wixii ku soo kordha Insha allah