DEG DEG: Hey’adda NISA oo joojisay Kulan Siyaasaddeed uu Caawa qaban Lahaa Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur

0

Kulanka oo qorshahiisa ahaa in caawa lagu qabto hotelka Saxafi ayaa la baajiyay kadib markii hey’adda nabad sugidda ay ku wargalisay maamulka hotelka Saxafi in dowladda aysan ogolleen kulan siyaasaddeed uu qabanaayo C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Maamulka hotelka ayaa galabta ku wargaliyay xisbiga wadajir in kulanka uusan qabsoomi karin oo dowladdu ay diiday waxaana maamulka sare ee hotelka saxafi uu sheegay in taliyaha Nabad sugidda ay uu joojiyay Kulan siyaasaddeedka Caawa muqdisho ku qaban lahaa C/raxmaan Cabdi shakuur oo lagu casuumay dadweyne iyo siyaasiyiin.

Boorka uu ku qoranyahay cinwaanka kulanka caawa oo ujeedkiisu ahaa arrimaha saameynta Siyaasadda Barriga Dhexe ee Gobolka Geeska Afrika ayaa galabta goor dambe laga fajiyay maadama uu kulanka baaqday waxaana mas’uuliyiinta xisbiga wadajir ay arrinkaan ku tilmaameen mid si gaar ah loogu beegsanaayo hogaamiyaha xisbiga wadajir.

“Tallaabadan caawa Hey’adda NISA inoogu awood sheegatay waa mid muujineeysa sida hoggaanka dowladda u bartilmaameedsanayaan masuuliyiinta Xisbiga Wadajir islamarkaana ay ugu xadgubayaan xaquuqda muwaadinka , xoriyadda hadalka iyo afkaarta oo ku oggolaanayo Dastuurka dalka iyo sidoo kale cuuryaaminta ahdaafta Xisbiga Wadajir oo ay ka mid tahay in dadka Soomaaliyeed lagala nishaaqo fahamka masaalixda iyo siyaasadaha caalamiga”ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadajir Sayid Cali Macalin Cabdulle.

Dowladda soomalia ayaa horay u joojisay kulamada siyaasaddeed oo dowladda aysan ka warqabin in lagu qabto hotellada muqdisho waxaa sidol kale xusid mudan in dowladdi il gaar ah ku heyso dhaq dhaqaaqa iyo xaaladda siyaasiga c/raxmaan cabdi shakuur oo horay loogu eedeeyay qiyaano qaran iyo in wadamo shisheeye uu ugu adeegaayo bur burinta dowladda.