DEG DEG: Guddoomiyihii Dhalinyarada Dagmada Warta-nabadda oo goordhaw toogasho lagu dilay

0

Kooxo Hubeysan ayaa goordhaw qeybo kamid ah dagmada warta-nabadda waxa ay ku dileen guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada Degmada Warta-Nabadda Allaha U Naxariisto Cabdiwali Axmed Maxamed.

Dableeyda falka dilka ah geesatay oo bastoolado ku hubeysneyd ayaa la sheegay in goobta ay ka baxsadeen.

Dilalka qorsheysan ayaa joogto ka noqday magaallada muqdisho tan iyo markii ay dhalatay bisha Barakeysan ee Ramadaan Waxaana laamaha ammaanka dowladda ay ku fashilmeen in ay ka hortagaan falalka dilalka ah amaba ay daba gal ku sameeyeen kooxaha dilalka qorsheysan geesata oo ay gacanta kusoo dhigaan.