Animation

DEG DEG: Ciidamada xasilinta caasimadda oo dilay guddoomiye waaxeed kadib markii dagaal uu….

no responses
Friday June 9, 2017 - 11:16 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhow ka dhacay degmada Kaaraan, kaddib markii ciidamada Xasilinta ay howl gal hub ka dhigis ka bilaabeen degmadaas, iyadoo iska caabin ay kala kulmeen Ciidamo ka tirsan Milateriga iyo ciidamo deegaanka ah.

Israsaaeynta ayaa ka dhacay Xarunta Degmada Kaaraan waxaana la sheegay in ay socotay Dhowr daqiiqo waxaana la sheegay in ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray Ciidankii dagaalamay.

Mas’uuliyiin maamulka dagmada ka tirsan ayaa xaqiijiyay in iska hor imaadka uu ku dhintay guddoomiye waaxeed dagmada kaaraan ka tirsan oo lagu magacaabi jiray Cabdi maxamed Dhagay oo loo yaqaanay Cabdi Jiis.

Cabdi jiis ayaa guddoomiye ka ahaay xaaafadda Jamhuuriyo ee dagmada kaaraan wuxuuna ku baxay dagaalka dhexmaray ciidamada xasilinta caasimadda iyo maleeshiyo dareeska ciidanka dowladda ku labisan.

Xaalada ayaa iminka degan, waxaana ciidamadii xasilinta ee howl galka ku qaaday degmada Kaaraan u yimid ciidamo kale oo gurmad ah.

Inkastoo aanay ku guuleysan inay wax hub ah gacanta ku dhigana, hadana ciidankii Milateriga iyo kuwa deegaanka ayaa goobt isaga cararay.

Howlgalkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ciidamada xasilinta ay ku qaadaan wuqooyga muqdisho gaar ahaan dagmada kaaraan waxaana ka dhashay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac.