Animation

DEG DEG: Guddoomiye taabit oo xilalkii ka xayuubiyay dhamaan guddoomiye ku xigeenada gobolka oo mudo sanado ah kursiga ku fadhiyay+Magacyada

no responses
Monday April 24, 2017 - 10:22 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Digreeto  Ka Soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay Gudoomiye Kuxigeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Gobolka Banaadir

Wareegtada oo xalay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa maanta lasoo gaarsiiyay warbaahinta qeybaheeda kala duwan.

Sidoo kale waxaa la magacaabay xoghayaha guud ee maamulka gobolka banaadir waxaana loo magacaabay markii ugu horeysay qof dumar ah.

Halkaan hoose ka aqriso xubnaha la magacaabay

1-G/kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda waxaa lo magacaabay. Marwo Muluuka Dheere Sh.A.qaadir.

2- Gudoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay: Mudane Saalax Sh.Maxamed.

3-Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay: Mudane C.laahi Xaaji Erig.

4-Gudoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud waxaa loomagacaabay: Aadan Sh Cali.

5- Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir waxaa loo magacaabay: Subeyda Maxamed Mukhtaar.

Xubnahaan cusub ayaa maalinta beri lagu wadaa in xilalka ay kala wareegaan xubnihii horay xilalka u haayay.