DEG DEG: Guddoomiye Mursal oo Sheegay in Laga Noqday Mooshinkii Madaxweynaha ka yiilay

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamad Mursal oo hadda war ka soo saaray mooshinkii laga keenay madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in Mooshinkaas uu gabi ahaan buray kadib markii sida uu sheegay wada xaajood laga galay .

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in kulamo dhexmaray guddoonka iyo xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweynaha leyskula waafqay in danta dalka iyo dadka si wadajir ah looga wada shaqeeyo xidhibaanada mooshinka keenay ayaana waxa la sheegay in dhammaantood ay ka laabteen Mooshinkii xil ka qaadista madaxweynaha.