Animation

DEG DEG: Guddoomiye Dagmo oo dhaawac culus uusoo gaaray iyo xaaladda oo hada kacsan

no responses
Friday February 10, 2017 - 3:02 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helaya shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa dagmooyinka bardaale iyo baydhabo oo ka tirsan gobolka baay.

Shilkaan gaari ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhaawacmay guddoomiyaha dagmada bardaale Weedow Cali Xasan iyo qaar kamid ah ciidamo ilaaladiisa aheyd.

Dhaawaca guddoomiyaha iyo ciidamada ilaaladiisa ayaa waxaa hada lagu dabiibaya cisbitaal ku yaala magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay Cali Cadow Isaaq ayaa sheegay in guddoomiyaha dhaawac fudud uu soo gaaray hadana lagu dabiibaayo cisbitaal ku yaala magaalada baydhabo.