Animation

DEG DEG: Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Hada la doortay Yaase ku guuleestay Xilkaasi???

no responses
Sunday January 22, 2017 - 8:10 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa Goordhaw doortay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ay u tartamayeen ilaa Laba Musharax .

Codeyn Mudo socotay Kadib Waxaa Guddiga Doorashada ay tiriyeen Codadkii ay dhiibteen Xildhibaanada Aqalka Sare waxaana Cod Aqlabiyad leh kusoo baxay Musharax  Cabdi Xaashi C/laahi, kadib markii uu ka guuleystay Musharaxii uu la tartamayay oo lagu Magacaabo Mustafe Maxamed Qodax.

Guddiga Qaban qaabada Doorahsada Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu kui guuleystay Cabdi Xaashi C/laahi oo helay 43 cod, halka Mustafe oo la tartamayay uu helay 9 cod.

Musharax Mustafe Maxamed Qodax, waxaa uu ahaay xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland waxaana uu kasoo muuqday Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaliya.

Doorashada Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka sare ayaa hada bilaabaneyso waxaana la filaya in Isla Maanta lasoo gaba gabeeyo doorashada Guddoonka Aqalka Sare.

Facebook Comments