Animation

DEG DEG: Guddiyada Kala duwan ee Doorashooyinka Qaran oo Hanjabaad Culus u diray Musharrixiin lagu Helay Wax is daba marin iyo Caga jugleyn

no responses
Thursday November 24, 2016 - 1:06 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

24 Nofeember 2016

 

WAR SAXAAFADEED WADA JIR AH

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) oo si wadajir ah u qorsheynaya tallaabooyin isku dubbaridan oo wax looga qabanayo is dabamarin doorasho oo halis ah.

Guddiyada GFHDD iyo GXKHDD waxay hoosta ka xarriiqayaan horumarka illaa iyo hadda laga gaaray geeddi socodka doorashada ee 2016ka. Codaynta kuraasta Aqalka Hoose waxay ku dhowdahay gabagabo, waxaana qabsoomay doorashada qiyaastii in ka badan 40% boqolkiiba kuraasta Golaha Shacabka. Geeddi socodka guud wuxuu illaa iyo hadda u dhacay si nabadgelyo iyo kala dambayn leh, marka laga reebo dhacdooyin teel teel ah oo ka dhacay Jowhar, Baydhabo, Cadaado iyo Kismaayo.

Guddiyada GFHDD iyo GXKHDD waxay ka walaacsan yihiin eedeymo ku saabsan falal wax isdabamarin ah oo ka dhacay dhowr goobood ee doorashooyinka Golaha Shacabka oo dhowaan lagu qabtay gobollo kala duwan.

Eedeymahaas waxaa ka mid ah: hanjabaado iyo cagajuglayn loo geystay xubno ka tirsan guddiyada maaraynta doorashooyinka iyo musharraxiin, isdaba marin lagu sameeyey liisas ergo iyo musharraxiin, ku takrifal hatni dowladeed (waxaa ka mid ah adeegsiga xubno ka tirsan hay’adaha amniga) si loogu roonaado musharraxiin baarlamaan qaarkood, loogana hormariyo kuwo kale, iyo adeegsiga hanti iyo awood ciidan oo gaar loo leeyahay si loogu cagajugleeyo loona quusiiyo qaar ka mid ah musharraxiinta iyo ergada.

Sidaasi darted ayaa labada guddi waxay si dhaw uga wada shaqeyn doonaan in ay baaritaan buuxa oo wada jir ah ku sameeyaan eedeymahaan si loo ilaaliyo kalsoonida guud ee lagu qabo geedi socodka doorashada, iyagoo raacaya waajibaadkooda shaqo ee kala duwan.

 

Haddii baaritaannada socda lagu xaqiijiyo inay dhaceen wax isdabamarin halis ah, guddiyada GFHDD iyo GXKHDD waxay qaadi doonaan tallaabooyin adag oo ku habboon falalkaasi.

Tallaabooyinkaas, waxay noqon karaan in la laalo (la baabi’iyo) natiijooyinka doorasho iyo in tartanka laga reebo musharraxiinta geysatay wax isdabamarin.

Waxaa labada guddi, walaac gaar ah ka muujinayaan in beelaha qaarkood aanay u hoggaansamin go’aannadii Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ee ahayd in la hirgeliyo qoondada haweenka 30% iyadoo mid ka mid ah saddexdii kursiba ama kuraasta ay wadaagaan beeluhu loo asteynayo haweenka. Xeerkan waa in lagu tixgeliyaa dhammaan doorashooyinka socda. Haddii sidaas la sameyn waayo, waxaa ka dhalanaysa in guddiyada GFHDD iyo GXKHDD ay tallaabo ka qaadaan beelaha aan raacin nidaamka qoondada, kuwa horay u sameeyay ama kuwa sidaas samayn doona doorashooyinka soo socda.

Guddiyadu, waxay mar kale ku celinayaan sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhammaan dhinacyada ay khuseyso arrinta doorashada inay u hoggaansamaan xeerarka iyo nidaamyada geedi socodka doorashadooyinka 2016ka, sida ay qeexeen iskuna raaceen Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ).

 

Cumar Maxamuud Cabdulle                                Cabdirizaaq Barre Jaamac Guddoomiyaha, GFHDD                                                               Guddoomiyaha, HXKHDD

 

 

DHAMMAD