Animation

Deg-deg: Golaha Wasiiradda Maamulka Galmudug oo la shaaciyey.

no responses
Friday August 28, 2015 - 7:34 under Somali News by admin
mqdefault

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa caawa ku dhawaaqay golaha wasiirada maamulkiisa waqti dheer kadib.

Madaxweyne C/kariin Guuleed ayaa shaaciyay inuu soo magacaabay 25 wasiir , 25 wasiir ku xigeen iyo 4 wasiir dowle.

Xaflad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Maamulkaasi ayaa lagu Shaaciyay Magacyada Xubnaha Golaha Wasiirada, waxaana goob joog ka ahaa Madaxweynaha Maamulkaasi iyo kuxigeenkiisa iyo Godoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug uu kaalimaha koowaad ka gali doono Maamulada lagu mideysan yahay waxa uuna guul u rajeeyay xubnaha uu magacaabay.