Animation

DEG DEG: Golaha wakiilada soomaliland oo ansixiyay heshiis qatar weyn ku ah ammaanka soomaliland

no responses
Sunday February 12, 2017 - 9:16 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya magaalada hargeysa ee maamulka soomaliland ayaa waxa ay sheegayan in fadhigii maanta ay yeesheen xildhibaanada labada gole ee soomaliland ay ku ansixiyeen heshiiska imaaraadka carabta uu saldhig milatari kaga dhisanaayo magaalada ber bera.

Xildhibaanada oo dood dheer ka yeeshay heshiiskaan ayaa ugu dambeyn waxa ay maanta ansixiyeen in heshiiskaan uu yahay mid meel mar ah oo imaaraadku uu saldhiga milatari ka sameynsan karo soomaliland.

Kalfadhigii maanta waxaa goob joog ka ahaay masuuliyiin ka tirsan maamulka soomaliland oo xildhibaanada ku cadaadinayay in heshiiskaan ay meel mariyaan.

Shacabka ku nool soomaliland ayaa si aad ah uga soo horjeestay heeshiiskaan ay soomaliland saxiixday oo imaaraadka u ogolaanayo in saldhig milatari ay ka dhisato soomaliland.

Dowlada federaalka weli kama aysan hadlin saldhigaan milatari oo imaaraadka uu ka dhisan doono magaalada ber bera ee maamulka soomaliland .