Animation

DEG DEG: General Morgan oo Laga Saaray Liiska Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland Kadib Markii looga…..

no responses
Thursday October 20, 2016 - 2:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland oo Maanta ka bilaabatay magaalada Garoowe ayaa waxaa Xildhibaanada Puntland ay doorteen Xubno dhowr ah oo Aqalka Sare u matali doono Maamulkaasi.

Xildhibaanada Baarlamaanka Codkooda siin waayay Dagaal Ooge General Cabsi Saciid Xirsi Moorgan Iyadoona Musharax kale ee la Tartamaayay uu ka guuleystay.

General Moorgan ayaa helay Codad gaaraya 27 Cod Halka Musharaxa kale ee lagu Magacaabo Bootaan Barre Samatar uu helay 38 Cod.

Qaramada Midoobay Horay waxay uga digtay in Qab qablayaashii Soomaliya u horseeday Hooga iyo Halaaga in aan lagu soo dari karin Xubnaha Aqalka Sare waxaana Puntland Horay looga digay in ay Liiska kusoo darto general Morgan Taasina waxaa Meel Mariyay oo General Moorgan Xubnaha Aqalka Sare ka Tuuray .

llaa 26 Musharax ayaa u tartamayay Musharaxiinta Aqalka sare ee Puntland, iyadoo laga doonayo 11 xubnood, waxaana tartankan laga yaabaa inuu dheeraado oo uu waqti qaato.