Animation

DEG DEG: Dhageyso Gen. Goobaale Oo Qarax Ismiidaamin ah lagu Dilay Xili uu Maraayay…..

no responses
Sunday September 18, 2016 - 1:22 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa Waxa ay sheegaya in Goordhaw Qarax Ismiidamain ah lala Beegsaday Gaarigi uu Saarnaay Generaal ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed.

General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ahaa Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyaayaa Qaraxa lala beegsaday waxaana la sheegay in uu ku dhintay .

Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu dhuftay Gaarigiisa oo marayay inta u dhaxeysa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xerada Guulwadeyaasha ee Magaalada Muqdisho sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa laga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho waxaana Wararka ay sheegayan in Sidoo kale Qaraxa ay ku geeriyoodeen Ciidan la socday Generaalka oo ilaaldiisa ahaa kuwaasi oo gaariga la socday.

Ma jirto cid sheegatay Qaraxaan lagu dilay Generalka ka tirsan Ciidanka Xooga dalka Soomaliyed

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka