Animation

DEG DEG: Garoonka aadan Cadde oo 22-ka bishaan aan shaqeyn doonin maxay tahay sababta??

no responses
Wednesday February 15, 2017 - 11:22 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

War kooban oo kasoo baxay wasaaradda duulista hawada soomaliya ayaa lagu sheegay in 22-ka bishaan hakad la galin doono howlaha garoonka aadan cadde ee magaalada muqdisho.

Maalinta arbacada oo ay ku beegantahay 22-ka bishaan ayaa waxaa wasaaraddu ay sheegtay in wax duulimaad ah aysan ka soo dagi karin garoonka aadan cadde duulimaadna uusan ka ambabixi karin sababo la xiriira caleema saarka madaxweynaha cusub oo maalintaasi ku beegan.

Caleema saarka madaxweyne farmaajo ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 22-ka bishaan oo ku beegan arbacada soo socota waxaana la adkeyn doonna ammaanka magaalada muqdisho.

Halkaan ka aqriso warqadda