Animation

DEG DEG: Ganacsade Xildhibaan Caddow Cali Gees oo kusoo Baxay Kursiga Beesha Waceysle Marooyin Kadib Markii uu ka guuleystay Musharax…….

2 responses
Wednesday November 16, 2016 - 3:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ergada Doorashada Aqalka Hoose ee Galmudug ayaa Hada waxa ay u Codeeyeen Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Waceysle Marooyin waxaana Kursigaas ku Tartamayay Labo Musharax oo Ganacsato ah kuwaasi oo kala Ah Xildhibaan Cadoow Cali Gees iyo Ganacsade Axmad Nuur Shiikh Yuusuf.

Doorasho waqti kooban Socotay ayaa Xildhibaanka Ganacsadaha ah ee Caddow Cali Gees u suurta Gashay in uu ka guuleysto Musharixii la tartamayay .

Caddow Cali Gees ayaa helay Codad gaara 40 Cod Halka Musharax kale ee La tartamayay uu helay 11 Cod oo kaliya Taasi oo Muujineysa in Caddow Calin Gees Kursigaan uu Horay ugu diyaarsanay.

Sidaasi waxaa kusoo Baxay oo ku Guuleystay Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Waceysle Marooyin Xildhibaan Hore Caddow Cali Gees.

20161116_174939 fb_img_1479307752727 fb_img_1479307800199