Animation

DEG DEG: Galmudug oo goordhaw ku dhawaaqday go’aan ku saabsan wada hadalada muqdisho ka furmi lahaay

no responses
Thursday April 27, 2017 - 2:11 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamul goboleedka galmudug ayaa shaaciyay in gabi ahaan uu bur buray wada hadaladii muqdisho ay kula gali lahaayeen maamulka ahlu-sunna ee gobollada dhexe.

Guddiga Galmudug u matalayay Wada hadalada ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu bur buray Wada Hadaladii ay la lahaayeen Ahlusuna ee ka socday magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga wada hadalka Galmudug, ahna Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Cusmaan Maxamed Cali oo shirka jaraa’id ka hadlayay ayaa sheegay in wada hadalada ay ka socon waayeen dhanka ahlu-sunna sidaasna uu u baaqday dhowr jeer wada hadalada oo furmi lahaay.

“Wada hadaladii waa istaageen, dhowr kulan oo aan galnay anaga iyo dowladda meel fiican isla gaarnay, waa nala soo dhoweysay, laakiin Ahlusuna ayay wax ka socon waayeen”ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga wada hadalka.

Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu dhowr jeer isku dayay in dadaalo looga mira dhalinayay wada hadalka, balse ay ka dhega adeegeen Ahlusuna, sida uu hadalka u dhigay.

Guddiga waxa ay sheegen in dowladda federaalka ay ku wargaliyeen in wada hadalada ay ka socon waayeen ahlu-sunna sidaas darteed xubnaha wada hadalada galmudug u matalaya ay dib ugu laaban doonan magaalada cadaado oo lagu wado in dabayaaqada bishaan ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha galmudug.

Dowladda federaalka weli kama aysan hadlin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in wada hadalada ay baaqdaan dhowr jeer ugu dambeyna keentay in gabi ahaanba wada hadalada joogsadaan.